Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Smalling, Young Iyo Jones Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay Ku Abaal Marin Doonto

Man United Oo Smalling, Young Iyo Jones Heshiis Waqtigiisa Dheer Yahay Ku Abaal Marin Doonto


????????

Wargeska Metro ayaa daaha ka qaaday in kooxda Man Unied ay haatan wada hadalo furtay sedexda laacib ee xili cayaareedkan dadaalka weyn la imaadeen Ashley Young, Phil Jones iyo Chris Smalling.

Waxaana xidigahan waxqabadkooda aadka u sareeyo lagu abaal marin doonaa in heshiis cusub laga saxiixo madaama macalin Luis Van Gaal uu la dhacsan yahay saameynta laacibiintan kartida badan muujiyeen.

Dhamaan sedexdaan xidig waxay haatan gali doonaan 12-bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskooda sidaa darteed heshiis waqtigiisa dheer yahay ayaa laga saxiixi doonaa si ay sanado badan baaqi ugu ahaadaan garoonka Old Trafford.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in macalin Van Gaal uu siweyn ula dhacsan yahay hormarka uu sameeyay Ashley Young wuxuuna maamulka United ka dalbaday in si dhaqsi ah heshiis cusub looga saxiixo.

Young ayaa kusoo baxay laacib muhiim ka ah Man United sidoo kalena Jones iyo Smalling iyagana kama liitaan waxaana la filaa inta uusan xili cayareedkan dhamaanin in xidig walbo heshiis cusub laga saxiixo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>