Kooxda Man United ayaa sare u qaaday damaca kaga aadan inay xagaagan lasoo saxiixato labada xidig ee kooxda AS Roma ugu muhiimsan Miralem Pjanic iyo Radja Nainggolan.
Shabakada Il Messaggero ayaa sheegtay in Man United ay labadan xidig ku dooneyso aduun lacageed oo gaarayo £66million.
Kooxda Roma waxay dooneysaa inay yareyso tirada cayaartooyda ay heesato waxayna qorsheeneysaa 25-ka xidig ee u joogto inay kasoo reebato 22-cayaaryahan madaama Roma ganaax €6million ah la dul dhigay.
Roma waxay halis ugu jirtaa in labada sano ee nagu soo fool leh inay qasaarto €30million sidaa darteed kooxdan ka dhisan caasimada Talyaaniga ayaa ku qasban inay Pjanic iyo Ningolan kooxda Man United ka iibiso.
Waxaa xusid mudan in Roma qayb ka mid ah milikiyada Naingolan madaama qaybta kale ee kooxda Cagliari leedahay sidaa darteed lacagaha saxiixa xidigan kasoo galo qayb ka mid ah Cagliari ayaa qaadan doonto.