Laba gool oo ay kala dhaliyeen Maroune Fellaini iyo Juan Manuel Mata ayaa u sahashay Man United iney si dhib badan ku dhaafto Crystal Palace iyadoo kusii dhawaatay iney xaqiijiso booskeeda Champions League-ga ee xagaaga soo aadan.
Guuldaro ay berito la kulanto Liverpool ayaana United u sahli karta iney u dabaal dagto usoo bixitaanka tartankaas iyadoo sidoo kale u baahan sadex dhibcood oo qura labada kulan ee soo aadan hadii ay Reds berito ka badiso Chelsea.
Daley Blind ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Man United daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta markii uu kubad meel dheer kasoo toogtay halis ku galiyay goolka Palace, goolhaye Julian Speroni ayaana iska saaray.
Crystal Palace ayaa sameysay laba isku day oo qurux badan iyadoo Bolaise iyo Zaha ay si fiican u shaqeeyeen halis ayey galiyeen goolka United balse uma suuragalin iney shabaqa gaaraan.
Man United ayaa lagu abaalmariyay rigoore markii Ashley Young kubad uu dhinaca kasoo dhigay uu gacanta ku taabtay Scott Dann, garsoore Micheal Olivier ayaana rigoore tilmaamay.
Juan Mata ayaa usoo istaagay rigoorada isaga ayaana gool u badalay daqiiqadii 20-aad hogaankana u dhiibay kooxda Man United inkastoo kubadiisa ay ku sigatay in la badbaadiyo.
Palace ayaa weeraro is xigay uga jawaabtay goolka Juan Mata iyadoo Jeddinak uu madax xoog leh ku tuuray goolka balse kuma aadin goolka.
United ayaa laba dhibaato la kulantay madama ay dhaawacyo soo gaareen Rooney iyo Luke Shaw, balse daafaca bidix ee xulka Ingiriiska Shaw ayaa u adkeysan waayay xanuunka haya waxaana lagu badalay Jonny Evans.
Crystal Palace ayaa ku fashilantay iney ka faa’ideysato laba qalad oo ay sameeyeen xidigaha Man United waqtiyo isku dhaw labadaas fursadna daafaca United ayaa ka diiday in kubada la dhaafsiiyo.
Qeybta hore ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Man United, qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Falcao uu badalay Rooney.
Crystal Palace ayaa miciyo libaax lasoo baxday iyadoo weeraro culus ku qaaday goolka Man United bilowgii qeybta labaad inkastoo aysan ku guuleysan iney gool ku helaan.
Puncheon ayaa si qurux badan isugu dayay inuu kaga xariiftamo Juan Mata, balse xidiga Palace dhulka ayuu ku dhacay inkastoo aan lagu abaalmarin rigoore.
Crystal Palace ayaa heshay gool barbardhac daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta, Jason Puncheon ayaana laad xor ah si toos ah u dhex dhigay shabaqa United iyadoo De Gea uu awoodi waayay inuu badbaadiyo.
Smalling qalad uu galay ayaa lagu ciqaabi rabay kooxdiisa Man United, Palace ayaana si qurux badan isugu dayday iney kubada uga faa’ideysato waxaana kubad gool loo filan karay qasaariyay James McArthur.
Man United ayaa ka badbaaday isku day aan caadi aheyn oo ay Crystal Palace kusoo qaaday goolkeeda Juan Mata ayaana dibada u saaray inkastoo markii hore kubada uu joojiyay David De Gea.
Ashley Young ayaa u dhawaaday inuu gool hogaanka u dhiiba Man United daqiiqadii 74-aad si qurux badan ayuu uga xariiftamay Joel Ward isagoo si fiican u galay xerada ganaaxa balse kubadii uu goolka aadiyay Scott Dann ayey ku dhacday.
Mar kale Ashley Young ayaa dhinac kasoo galay xerada ganaaxa si qurux badan ayuu u caawiyay Mata balse xidiga reer Spain hawada ayuu kubadii mariyay daqiiqadii 76-aad.
Maroune Fellaini ayaa hogaanka u dhiibay Man United daqiiqadii 78-aad markii uu dhaliyay madax uusan isku dhibin waxaana geesta kasoo tuuray Ashley Young oo si adag u shaqeeyay.
Glenn Murray ayaa ku dhawaaday inuu barbaro u keeno Crystal Palace daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta markii uu kubad Volley ah ku tuuray goolka isagoo ku dhexjira xerada ganaaxa balse De Gea ayaa labada lug ku badbaadiyay.
Ander Herrera ayaa isku dayay inuu quusiyo Crystal Palace balse goolhaye Superoni ayaa ka diiday, Falcao ayaa kubad qurux badan ka siiyay xerada ganaaxa mana uusan ku daahin si hal-haleel ah ayuu kubada u qabadsiiyay balse waa laga saaray.
Natiijada ciyaarta ayaa noqotay ugu dambeyn iney kusoo dhamaato 1-2 oo ay guusha ku raacday Man United waana guushii ugu horeysay afartii kulan ee ugu dambeysay.
United waxey haatan leedahay 68-dhibcood iyadoo ciyaartay 36-kulan hamigooda ugu weyn ayaana ah iney soo gaarto Champions League-ga sanadka soo aadan.