Wargeska The Metro ayaa sheegay in Man United ay haatan hormar ka sameesay sidii ay gacanta ugu soo dhigi laheyd daafaca garabka midig Fabinho kaasi oo naadiga AS Monaco ka tirsan.
Xidiga reer Brazil ayaa xagaagan diyaar u ah inuu isbadal sameeyo sidaa darteed wakiilkiisa ayaa fariin ka helay kooxda Man United oo diyaar u ah inay waxqabadkiisa wanaagsan ka faa’iideesato.
Madaama Dani Alves uu heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Barcelona sidoo kalena Nathaniel Clyne uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Liverpool.
Waxayna United haatan go’aan ku qaadatay inay Fabinho £10.2m kaga soo iibsato naadiga Monaco madaama xidigan uu isaga xiiseenayo ka cayaarista Premiership-ka England.
Kooxda Monaco milkiyada xidigan bishii May ee isla sanadkan ayay la wareegtay balse diyaar ayay u tahay inay qiimaha Man United aqbasho.
Fabinho ayaa ka tirsan xidigaha xulka Brazil ee haatan tartanka Copa America ka qayb qaadanaayo wuxuuna xidigan u xil saaray wakiilkiisa sidii uu u dhameestiri lahaa ku biiritaanka Man United.
Macalin Luis Van Gaal ayaa aaminsan in Fabinho uu xalin karo dhibaatada kooxda Man United garabka midig ka heesato.
Waayo xili cayaareedkii dhawaa United inta badan waxaa booska midig uga cayaarayay Luis Antonio Valencia halka Rafeal uu ku guul dareestay inuu ka mid noqdo xidigaha uu tababare Van Gaal ku kalsoon yahay.