Wargeska The Sun ayaa sheegay in kooxda Man United ay macalinkeeda labaad Ryan Giggs u kaashan doonto sidii Grathe Bale ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd.
Bale iyo Giggs waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan sidoo kalena waa labo xidig dalka Wales kasoo wada jeedaan.
Macalin Luis Van Gaal ayaa kala hadlay Ryan Giggs sidii uu doorkiisa kaga qaadan lahaa qaabkii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cayaaryahanka aduunka ugu qaalisan.
Labo sano ka hor markii ay Man United ku guul dareesatay saxiixa Bale sidoo kalena uu xiligaas Real Madrid u dhaqaaqay xidigan waxba kama qaban Karin Giggs madaama uu markaas ahaa cayaartooy oo kaliya.
Balse xagaagan Giggs ayaa balan qaad u sameyn doono Bale kana dhaadhacsiin doono inuu xidigan garoonka Old Trafford usoo guuro madaama uu aad ugu dhiban yahay garoonka Bernabue.
Inkastoo Man United ay wado qorshe adag oo ay ku dooneyso inay 25-jirkan gacanta ugu soo dhigto hadana kooxda Real Madrid diyaar uma ahan inay xidigan qiimo jaban ku fasaxdo waxayna dooneysaa isla 100-milyan oo ay kusoo iibsatay in laga siiyo xagaagan!