Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Wada Hadalo La Furtay Gonzalo Higuain Oo Kooxdiisa Napoli Xagaagan Ka Hayaami Doono

Man United Oo Wada Hadalo La Furtay Gonzalo Higuain Oo Kooxdiisa Napoli Xagaagan Ka Hayaami Doono


Higuain

Daily Express ayaa sheegay in kooxda Man United ay haatan wada hadalo la furtay weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain.

Xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay ayaa go’aansaday inuu xagaagan kooxdiisa Napoli isaga hayaamo madaama naadigan ku guul dareesatay inay Champion-ka Yurub usoo baxdo sidoo kalena uu macalin Rafeal Benitez naadigan isaga hayaamay.

Man United ayaa aaminsan in Higuain uu xalin karo kooxdan dhibaatada dhanka weerarka ka heesato madaama uu labadii xili cayaareed ee ugu dambeeyay Napoli u dhaliyay 53-gool sidoo kalena markii uu Real Madrid ka tirsanaa wuxuu u dhaliyay 107-gool La Ligaha Spain asigoo cayaaray 190-kulan.

Inkastoo Man United ahmiyada kowaad siin doonto saxiixa Higuain sidoo kalena ay wada hadalo la furtay walaalkiisa oo ah wakiilka xidigan.

Hadana gudoomiyaha kooxda Napoli De Laurintes ayaa saxaafada u sheegay inay xidigan fasixi doonaan waa hadii dalab £42m ay ka helaan kooxaha doonayaan.

Sidoo kale Higuain xidigaha ay xulka Argentina ka wada tirsan yihiin Angel di Maria iyo Marcos Rojo ayaa ku qal qaalinayaan inuu garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqo.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>