Home » Maxaa Cusub » Man United Oo Wada Hadalo La Furtay Wakiilka Karim Benzema Iyo Rajada Laga Qabo Inuu Old Trafford

Man United Oo Wada Hadalo La Furtay Wakiilka Karim Benzema Iyo Rajada Laga Qabo Inuu Old Trafford


Karim-Benzema-Real-Madrid

Wargeska Manchester Evening News ayaa sheegay in kooxda Man United ay haatan wada hadalo la furtay wakiilka weeraryahanka naadiga Real Madrid Karim Benzema.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in gudoomie ku xigeenka Man United Ed Woodward uu kulan xasaasi ah la qaatay Karim Djaziri oo ah wakiilka Benzema.

Labadan masuul ayaa kulan ku qaateen Savoy Hotel oo ku yaalo bartamaha London waxayna meel isla dhigeen arimo badan.

Benzema ayaa haatan fasaxa xagaagan u aaday magaalada New Yor ee dalka Mareekanka waxayna Man United qorsheeneysaa in xagaagan gudahiisa ay weeraryahankan tayada wanaagsan kula soo wareegto £40 million.

27-jirkan 15-gool ayuu La Ligaha Spain xili cayaareedkan ka dhaliyay asigoo cayaaray 29-kulan sidoo kalena 6-gool ayuu Champion-ka ka dhaliyay asigoo saftay 9-kulan balse wuxuu ka mid yahay xidigaha aan la hubin inay Madrid lasii joogi doonaan.

Sidoo kale macalinka cusub ee Real Madrid Rafeal Benitez wuxuu qorshiisa yahay inuu weerarka Madrid ka cayaarsiiyo Cristiano Ronaldo taasi oo ka dhigan in Benzema laga tashan doono xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>