Manchester United ayaa markaan wadahadalo la fureysa goolhayaha kooxda Tottenham Hotspur Hugo Lloris madama ay ku fashilantay iney ceshasto goolhayaheeda reer Spain David De Gea.
Warar ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska shalay ayaa sheegayay in De Gea uu qaar ka mid ah shaqaalaha kooxda u sheegay inuu ku biirayo Real Madrid.
Maamulka United ayaa haatan waaga ku baryay waxeyna si dhaqso ah ugu dhaqaaqayaan saxiixa goolhayaha kabtanka u ah xulka faransiiska ee Hugo Lloris kana tirsan Spurs.
Inkastoo Danny Levy oo ah gudoomiyaha kooxda Tottenham uu sheegay in Hugo Lloris uusan iib aheyn hadana Louis Van Gaal ayaa bartilmaameed koowaad ka dhiganaya Hugo Lloris si uu badal fiican ugu noqdo David De Gea.
Dhanka kale Hugo Lloris jaceylka uu u qabo inuu koobka Horyaalada Yurub kasoo muuqdo ayaa ka hami galineysa Man United oo xagaagan u muuqata koox ka qeyb gali karta koobka Yurub inkastoo ay macquul tahay iney ku harto isreeb-reeb ay mari doonto.
Ugu dambeyntiina Starsports ayaa qortay in United ay u dhaqaaqi doonto Peter Cech hadii ay weyso goolhaye Hugo Lloris.