Manchester City ayaa dooneysa iney dagaal culus la gasho kooxaha Man United iyo Paris Saint Germain si ay u hesho xidiga Juventus Paul Pogba.
Paris Saint Germain ayaa si aan caadi aheyn usoo gashay loolanka Paul Pogba kaas oo ay kooxdiisa Juventus madaxiisa duldhigtay aduun dhan 70 Malyan Oo Pound.
City iyana wey ka go’antahay iney Paul Pogba dib ugu soo celiso EPL-ka, waxeyna sidoo kale dagaal qabow kala kulmeysaa kooxaha Man United, Barcelona iyo Real Madrid oo qudhooda si gaabis ah u doonaya xidigaan.
Dhanka kale Paul Pogba oo 22-jir u dhashay dalka Faransiiska ah ayaa qudhiisa doonaya inuu horyaalka Spain tago isagoo mudnaanta siinaya kooxda Barcelona ee dhawaan koobka Champions League-ga ka qaaday kooxdiisa Juventus.
Sidoo kale Real Madrid ayaan wali go’aansan hadii ay bixineyso lacagaha ay Juve dul dhigtay madaxiisa iyo sidoo kale iney siineyso aduun dhan 200,000 kun Pound todobaadkii.
Barcelona iyaduna ganaax ayaa saaran wuxuuna garoomada ka maqnaan doonaa mudo lix bilood ah hadii uu ku biiro kooxda Camp Nou ka dhisan.
Ugu dambeyntii Manchester City ayaan dooneysa iney ku qanciso xidigaan inuu Premier League-ga yimaado si uu ula xifaaltamo kooxdii xumeysay ee Man United.