Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Badalka Yaya Toure La Dooneysa Midkood Paul Pogba Iyo Ross Barkley

Manchester City Oo Badalka Yaya Toure La Dooneysa Midkood Paul Pogba Iyo Ross Barkley


Pogba and Barkley

 

Manchester City ayaa qorsheyneysa iney xagaaga soo aadan u dhaqaaqdo saxiixa labada wiil ee Ross Barkley iyo Paul Pogba kuwaas oo ay la doonayaan iney u badlaaan booska la filayo inuu baneeyo Yaya Toure oo wali shaki laga qabo mustaqbalkiisa City.

Pogba ayaa si ba’an loola xiriiriyay Man City xagaagan, iyadoo dooneysa iney dib ugu celiso horyaalka EPL-ka, sidoo kalana Chelsea iyo Man United ayaa kula jira xiisaha 21-jirkaan heerka caalami ee dalka faransiiska u dhashay.

Sida ay sheegtay The Times tababare Manuel Pellegrini ayaa aad u jecel qaab ciyaareedka da’yarkaan ka tirsan kooxda Juventus, wuxuuna doonayaa inuu ka taqaluso Yaya Toure.

Si Kastaba City waxey sidoo kale tartan xoogan u gali doontaa da’yarka reer England Ross Barkley kaas oo lagu qiimeeyo 50 Malyan Oo Pound wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Everton.

City qiimaha xidigaan aad ayey uga gadooday, iyadoo mar kale dalab u diri doonta Everton si loo yareeyo lacagaha xidigaan, sidoo kalana waxey ku qasbi kartaa in Pogba kaliya ay u dhaqaaqaan hadii lagu adkeeyo Barkley.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>