Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Dalab Aysan Diidi Karin Arsenal Kaga Gudbisay Kubad Sameeyahooda Jack Wilshere

Manchester City Oo Dalab Aysan Diidi Karin Arsenal Kaga Gudbisay Kubad Sameeyahooda Jack Wilshere


Wilshere

Manchester City ayaa diyaarineysa dalab xoog leh oo ay u gudbineyso kooxda Arsenal ee ka dhisan waqooyiga Magaalada London iyadoo ka dooneysa kubad sameeyaha reer England Jack Wilshere sida ay sheegayeen warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Arsene Wenger ayaa dhawaan sheegay in Wilshere uusan iib aheyn, balse wali waxaa imaanaya xiiso ay qabto kooxda Manuel Pellegrini, Mirror ayaana shaacisay in kooxda difaacaneysa horyaalka ay wali qiimo waali ah ku dooneyso Wilshere.

23-jirkaan heerka caalami ayaa dhaawac kaga maqnaa mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana heshiiska uu kooxda kula joogo kaga haray sadex sanadood.

Inkastoo Arsenal ay u duleysan tahay Manchester city marka la eego in xidig muhiim ah la iska iibsado hadana lama oga iney yeeli doonto in Wilshere uu Etihad ka dago.

Emmanuel Adebayor, Kolo Toure, Gael Clichy, Samir Nasri iyo Bacary Sagna ayaa ka tagay Arsenal kuwaas oo ku biiray City sanadihii ugu dambeeyay.

Ugu dambeyntiina Manchester City ayaa raadineysa xidigo u dhashay Ingiriiska madama lagu dhaleeceyay ineysan hormarin ciyaartoyda reer Britain.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>