Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Diyaar U Ah Iney Juventus Ku Wareejiso Sadex Xidig Si Ay U Hesho Paul Pogba

Manchester City Oo Diyaar U Ah Iney Juventus Ku Wareejiso Sadex Xidig Si Ay U Hesho Paul Pogba


2880427100000578-0-image-a-41_1431192100359Manchester City ayaa wakiilo usoo dirtay magaalada Turin si ay ula kulmaan wakiilka xidiga Juventus Paul Pogba ka hor kulanka Champions League-ga ay kooxdiisa xidigaan la ciyaareyso Real Madrid sida ay ka dhawaajisay Gazzetta dello Sport.

Sida ay tilmaamayaan warbixinada ka imaanaya talyaaniga kooxda Juventus ayaa doorbideysa iney hesho xidigaha kala ah Yaya Toure, Kolarov iyo Jovetic waana sheeko u fudud Manchester City hadiiba ay heleyso Paul Pogba.

21-jirkaan reer France ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga qaarada yurub wuxuuna sameeyay bandhig aad u cajiib badan tan iyo markii si xor ah kaga soo biiray Man United sanadii 2012.

Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo xidigaan la xiriirinaya kooxaha PSG, Barcelona, Man United iyo Chelsea balse wararkii ugu dambeeyay City ayaa ugu cad-cad.

Si kastaba Juventus waxey xidigaan ku qiimeysay aduun dhan 75 Malyan Oo Pound iyadoo u sheegtay Paul Pogba inuu bixi karo hadii isaga uu go’aansado.

Ugu dambeyntiina Paul Pogba ayaa dhawac kasoo toosay dhawaan isagoo muuqaalkiisii ugu horeeyay sameeyay Sabtidii kulan ay kooxdiisa 1-1 la gashay Cagliari.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>