Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Isha Ku Heysa Diego Simeone Si Uu Badal Ugu Noqdo Manuel Pellegrini

Manchester City Oo Isha Ku Heysa Diego Simeone Si Uu Badal Ugu Noqdo Manuel Pellegrini


Simeone

 

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain kooxda Manchester City ayaa indhaha ku heysa tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone iyadoo dooneysa inuu badal u noqdo macalinkeeda reer Chile Manuel Pellegrini marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan.

Kooxda Etihad ku ciyaarta ayaa daciifnimo sameysay mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoo macalinka haatan ee Manuel Pellegrini uu soo fuulay cadaadis xoogan si uu ilaashado shaqadiisa kooxda xiliga soo aadan.

Daily Mail ayaa qirtay in City ay diyaar u tahay iney iska ceyriso Pellegrini si ay u hesho Simeone oo dhawaan kooxdiisa Atletico u hogaamiyay ku guuleysiga La Liga iyo imaanshaha Finalka Champions League xili ciyaaredkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in kooxdaan ay daba gal ku heyso macalimiinta Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti kuwaas oo ah kuwa ugu sareeya kubada cagta aduunka.

Pellegrini ayaa City u qaaday Horyaalka EPL-ka iyo Koobka League Cupka xiligii lasoo dhaafay, balse haatan uma muuqdo mid difaacan kara horyaalka madam ay 7-dhibcood ka hooseyaan Chelsea.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>