Manchester City ayaa indhaha kala qaaday markaan waxeyna diyaar u tahay iney soo xerogaliso laba xidig oo u dhashay dalka Ingiriiska.
Daily Mail ayaa ku warantay in kooxda ka dhisan Etihad Stadium ay dooneyso saxiixyada labada xidig ee Jack Wilshere iyo Jordan Henderson.
Hoos u dhaca ku yimid kooxda ayaa keenay in kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini ay damacdo iney xoojiso qadka dhexe waxeyna haatan wadaa qorshe ay kula saxiixaneyso Wilshere iyo Henderson oo labaduba muhiim u ah kooxaha Arsenal iyo Liverpool.
Frank Lampard iyo James Milner ayaa ka tagi doona kooxda City marka uu dhamaado xagaagan, sidoo kalana Yaya Toure mustaqbalkiisa ayaan la hubin waxeyna arintaas keeni kartaa in kooxdan ay dhibaato qadka dhexe ah ku timaado.
Si kastaba Henderson ayaa diidan inuu heshiiska u kordhiyo Liverpool, halka Wilshere isna uu waayay booskiisa madama ay dhaawacyo la hareen.