Manchester City ayaa qorsheyneysa iney ka tashato xidigooda khadka dhexe Yaya Toure xagaaga soo aadan iyadoo damacsan soo xerogalinta mid ka mid ah xidigaha Ross Barkley iyo Paul Pogba oo ka mid ah xirfadalayaasha ugu wanaagsan dhanka khadka dhexe da’yarta waqtigaan yurub ka ciyaarta.
Xidigaan reer Ivory Coast ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed wanaagsan inkastoo ay meesha ku jirto in da’da ay kulaashay madama uu yahay 31-jir, waxeyna kooxda uu hogaamiyo Pellegrini doorbidayaan iney Pogba iyo Barkley ku badalaan.
Manchester City horay ayey u doontay Barkley, balse kooxda iska leh xidigaan ee Everton ayaa ku adkeysay taasoo xidigana dul dhigtay qiimo dhan 50 Malyan Oo Pound, sidoo kalana Paul Pogba ayey doonta xagaagan kaas oo isna qandaraaska u kordhiyay kooxdiisa Juventus.
Man City waxey heshay fursad ay si xor ah ugu qaadato Paul Pogba balse kama aysan fa’ideysan markaas oo Manchester United ay iska nacday sanadii 2012, balse Juventus ayaa ka fa’ideysatay oo garatay qiimaha uu leeyahay xidigaan.
Paul Pogba haatan waa hogaamiyaha kooxdiisa iyo xulkiisa Faransiiska wuxuuna qeyb ka yahay xidgiaha u tartamaya abaaalmarinta FIFA Ballon d’Or.