Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Ka Walwalsan Dhaawaca Kompany Ka Hor Kulanka Sunderland

Manchester City Oo Ka Walwalsan Dhaawaca Kompany Ka Hor Kulanka Sunderland


Komapny

 

Manchester City ayaa si walwal uu ku jiro u sugeysa natiijada dhaawaca kabtankooda Vincent Kompany kaas oo ay dhibaato ku timid dhamaadkii kulankii ay kooxdiisa 3-0 ku garaacday Southampton kulan ka tirsan EPL-ka Axadii, Kompany ayaana ka baxay ciyaarta markii muruqa ay wax ka gaareen.

Manuel Pellegrini wuxuu ka walwal qabaa in Kompany uu seego kulanka Sunderland walow Equilium Mangala uu ganaax ku seegi doono kulankaas kadib markii uu casaan qaatay daqiiqadii 74-aad kulanki Southampton.

“Kompany waxaa lasoo darsay dhibaato dhanka muruqa ah, waan arki doonaa hadii la qasbi karo iyo hadii uu dhaawac yahay” ayuu yiri Pellegrini.

Dhanka kale Manchester City waxey gaareen guul muhiim ah iyadoo Southampton ay la kulantay guuldaradii ugu horeysay ee gurigooda kusoo gaartay xili ciyaareedkaan.

Sergio Aguero ayaa jaale lagu abaalmariyay markii garsoore Mike Jones uu u arkay inuu isku tuuray xerada ganaaxa walow rogaal celiska muuqaalkaas uu muujinayay in kabtanka Southampton Fonte uu qalad ku galay Aguero.

Ugu dambeyntii natiijada dhaawaca ee Kompany maanta ayey soo saari doonaan Manchester City iyagoo ka warqaba in Sunderland oo ka yaabsatay Chelsea ay ku beegan yahiin Arbacada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>