Manchester City ayaa dooneysa iney suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si xawaare ah u gasho iyadoo markaan diyaar u ah iney malaayiin lacag ah galiso.
Mucaaradka Liverpool Raheem Sterling, wiilka aduunka is tusay ee Kevin De Bruyne iyo wiilkii magaalada Manchester looga caasiyay ee Paul Pogba ayeyna dooneysaa iney ku kulmiso garoonka Etihad Stadium isla markaana ay ku dagaal gasho xagaaga soo aadan.
Gudoomiyaha kooxda Al Mubarak aya wacad ku maray in kooxdiisa ay diyaar u tahay iney soo iibsato xidigahaan sadexda ah ee haatan ah da’yarta ugu wanaagsan kubada cagta qaarada yurub iyo caalamkaba.
De Bruyne wuxuu xaqiijyay iney Manchester City lasoo xariirtay waana macquul inuu kooxdaan ku biiro madama uu doonayo inuu Chelsea tusiyo iney ku qaldanaayeen iska iibintisa, sidoo kalana Paul Pogba ayaa doonaya inuu isna Manchester tusiyo awoodiisa, halka Sterling uu doonayo lacago.
Si kastaba ha ahaatee Manchester City marnaba kama caajisi doonto iney soo xerogaliso sadexdaan xidig sida uu qiray Al Mubarak.