Manchester City ayaa meel cidlo ah kaga tageysa kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Man United madama ay Marco Reus u balan qaaday mushaar 10 Malyan Oo Pound sanadii ah iney siineyso taasoo ka dhigan in xidigaan uu Etihad usoo dhaqaajin doono sida ay ku warameen warbixino ka imaanaya Jarmalka.
Reus ayaa noqday xidig ay inta badan hadal hayaan kooxaha Yurub, waxaana sidoo kale doonaya kooxda Bayern Munich oo xifaaltan ba’an uu kala dhaxeeyo Dortmund, waxaana sidoo kale liiska ku jira sadexda kooxood ee Liverpool, Arsenal iyo United.
The Bild ayaa qeexday in Manchester City ay soo bandhigtay xiisaheeda ku aadan saxiixa Marco Reus iyadoo kooxaha kale lagaga dooran karo mushaarka.
Marco Reus wuxuu doonayaa inuu isaga tago Dortmund, madama uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa, sidoo kale Barcelona ayaa indhaha ku heysa balse xidigaan waxaa sida haatan la shaaciyay ku gacan sareysa Manchester City.