Home » Maxaa Cusub » Manchester City Oo Wadahadal La Furtay Wakiilka Xidigii Hore Chelsea Kevin De Bruyne

Manchester City Oo Wadahadal La Furtay Wakiilka Xidigii Hore Chelsea Kevin De Bruyne


De Bruyne

Manchester City ayaa ku warantay iney la xiriirtay wakiilka xidigii hore Chelsea Kevin De Bruyne iyadoo dooneysa iney dib ugu soo celiso horyaalka Ingiriiska.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ayaa si ba’an loola xiriirinayaa xidigaan reer Belgium inkastoo laga warqabo in xidigaan uu laba sano oo xanuun badan ku qaatay Chelsea ka hor inta uusan Wolfsburg Ku biirin.

Sida uu shaaciyay wargeyska [Het Laatste Nieuws] ee kasoo baxa Belgiumka agaasimaha kooxda Manchester City  Txiki Begiristain ayaa wadahadal la furay wakiilka De Bruyne isagoo sidoo kale daawan doona kulanka caawa ay kooxda Inter Milan la ciyaari doonaa lugta labaad wareega 16-ka koobka Europa League.

Sida la aaminsan yahay Wolfsburg xidigeeda ma dooneyso iney iibiso waxaana sidoo kale ku raad jooga kooxaha Paris Saint Germain iyo Bayern Munich.

Ugu dambeyntii Kevin De Bruyne ayaa dhaliyay 15-gool, 21-goolna wuu caawiyay, 33-kulan oo uu u saftay Wolfsburg xili ciyaareedkaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>