Man United ayaa dooneysa iney bisha January wadahadal la furto weeraryahankeeda reer Holland Robin Van Persie kaas oo qandaraaska uu kooxda kula jiro uu ku egyahay 2016, waxeyna dooneysaa iney laba sano oo heshiis dheeraad ah ka saxiixdo inkastoo United aan looga baran iney ciyaartoyda ka weyn 30-jirka ay ka saxiixdo wax ka badan 1-sano.
31-jirkaan heerka caalami wuxuu kooxda ka qaataa 319,000 Euro isbuucii, mushaarkaas ayuuna qaadan doonaa ilaa uu ka dhamaado qandaraaskiisa haatan ee ku ego 2016, balse labada sano ee heshiiska lagu kordhin doono hoos u dhac mushaareed ayaa soo wajahi doona wuxuuna qaadan doonaa 127,000 Euro Isbuucii.
Xidigii hore Arsenal ayaa haatan dalab ka helay kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga iyadoo United ay wali aaminsan tahay in xidigaan uu shaqeyn karo sanado badan, walow qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkaan la dhaliilay.
Mustaqbalka Robin Van Persie ee Manchester United ayaa shaki la galiyay mudadii uu kooxda tababaraha u ahaa David Moyes madama labada shaqsi ay isku dhaceen balse haatan macalin Van Gaal ayey si fiican isku fahmeen.
Ugu dambeyntii 31-jirkaan heerka caalami wuxuu garab ka helayaa macalinkiisii hore xulka Holland Louis Van Gaal oo kooxdaan macalin looga dhigay xagaagan, inkastoo xidigaan uu kooxda u hogaamiyay horyaalkeedii 20-aad sanadii 2013.