Manchester United ayaa lagu waramayaa iney markaan u dhaqaaqeyso saxiixa weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Edinson Cavani sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ayaa lalal xiriirinayay Man United waqtiyo kala duwan oo hore, balse waqtigaan ayey soo rogaal celiyeen waxeyna diyaar u yahiin iney dalab u gudbiyaan kooxda uu hogaamiyo Laurent Blanc.
Sida ay sheegtay Daily Star kooxda Man United waxey ku deg-degi doontaa iibinta Robin Van Persie oo xagaagii dhamaaday ku fashilmay inuu kooxdaan si fiican ugu ciyaaro inkastoo ay dhaawacyo la hareen, waxeyna lacagtaas qeyb uga dhigi doontaa United qiimaha ay kusoo iibsan doonto Cavani.
Dhanka kale Juventus ayaa xiiso u qabta Robin Van Persie waxeyna diyaar u tahay iney bixiso lacago dhan 10 Malyan Oo Pound si ay badal uga dhigto Tevez oo la filayo inuu ka dhaqaaqo Turin.
Si kastaba Edinson Cavani wuxuu ka mid yahay qorshaha uu doonayo inuu Van Gaal ku xoojiyo kooxdiisa si ay ugu tartanto hanashada dhamaan koobabka ay ka qeyb galeyso.
Ugu dambeyntii Cavani ayaan la ogeyn inuu ka tagayo Paris Saint Germain waxaana sidoo kale xiiseynaya kooxda Juventus ee dalka talyaaniga.