Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Ka Fiirsaneysa Qorshaha Ay Kula Saxiixaneyso Radamel Falcao

Manchester United Oo Ka Fiirsaneysa Qorshaha Ay Kula Saxiixaneyso Radamel Falcao


Falcao

Kooxda Manchester United ayaa dib u dhigeysa isla markaana ka fikireysa qorshaha ay sida joogtada ah ula wareegeyso Radamel Falcao oo haatan amaah xili ciyaareed ah ay ku heysato kadib markii xidigaan ay kusoo baxeen dhaawacyo.

United ayaa horay u shaacisay iney bixin doonto 44 Malyan Oo Pound si xidigaan uu si rasmi ah uga mid noqdo kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford, balse sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska macalin Louis Van Gaal kuma qanacsana caafimaadka xidigaan kaas oo labadii kulan ee ugu dambeeyay kooxda dhaawac ku seegay.

Falcao ayaa dhaawac kaga maqnaa Monaco mudo 6-bilood ah iyadoo dhaawacaas uu sababay inuu waayo koobkii Aduunka ee lagu qabtay Brazil xagaagan.

Si Kastaba Manchester United kuma fududaan doonto saxiixa xidigaan iyadoo ka feejignaan doonta iney si rasmi  ah ula wareegto.

Ugu dambeyntiina Falcao ayaa haatan United ka qaata 300,000 oo pound isbuucii, waana mid ka mid ah xidigaha ugu mushaarka badan dunida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>