Manchester United ayaa bilowday shaqo culus oo ay ku diyaarineyso iney heshiis lacago badan ay ku bixineyso ay kusoo qaadato daafaca kooxda Borrusia Dortmund Mats Hummels kaas oo ah bartilmameedkeeda koowaad marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Man United oo dhawaan dalabyo badan oo ay u dirtay xidigaan laga soo diiday xagaagan, ayaa mar kale qorshe cusub ula tageysa kooxda Dortmund madama ay kooxda wali dhibaato dhanka daafaca ah heysato.
Website-ka fadhigiisu yahay Spain ee Fichajes ayaa ka dhawaajiyay in Man United ay diyaarineyso lacago badan oo xidigaan ay ku bixiso inkastoo haatan isaga uu doonayo kaliya sii joogitaanka Signal Iduna Park.
Manchester United waxey madaxa xidigaan dul ndhigtay 40 Malyan Oo Pound taasoo ah lacag aysan marnaba ka jeesan karin kooxda xidigaan iska leh ee Dortmund, sidoo kalana waxaa xidigaan loo balan qaaday lacago mushaaraad badan oo aan la shaacin.
Ugu dambeyntii United ayaa dooneysa iney sameyso Glatico cusub marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January iyadoo xidigaha ay soo xerogalineyso ku bilaabi doonta Hummels.