Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Ka Xigta Inuu Bilaash Kaga Tago De Gea Halkii Ay 20 Malyan Ka Siin Laheyd Real Madrid

Manchester United Oo Ka Xigta Inuu Bilaash Kaga Tago De Gea Halkii Ay 20 Malyan Ka Siin Laheyd Real Madrid


De Gea

Manchester United ayaa dooneysa ineysan lacago yar ku fasaxin goolhayaheeda David De Gea, waxeyna diyaar u tahay iney xagaaga kaga harsan heshiiskiisa sii heysato isla markaana ay u ogolaato inuu bilaash ku baxo markuu dhameysto.

Kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ayaa qoshaheedu ahaa iney heshiiska David De Gea qeyb kaga dhigto saxixia Sergio Ramos, iyadoo labada xidig ay wada doonayaan iney labada dhinac u kala wareegaan.

De Gea ayaa galaya sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiska uu kula jiro United, balse Real Madrid ayaa dooneysa iney 20 Malyan Oo Pound ku qaadato xidigii hore Atletico Madrid iyadoo United ay ku dooneyso qiimo dhan 35 Malyan Oo Pound.

Man United waxey dooneysaa in Real Madrid ay bixiso lacagaha ay duldhigtay madaxa De Gea, taasoo ka dhigi karta goolhayihii ugu qaalisanaa ebid laga iibsado kubada cagta Buffon ayaana haatan heysta oo sanadii 2001 ku biiray Juventus.

Dhanka kale dagaalka u dhaxeeya Madrid iyo Man United ayaa sii baahay kadib markii United laga soo diiday dalab 35 Malyan Oo Pound ah oo ay ka gubdisay Sergio Ramos.

Ugu dambeyntiina labadan kooxood ayaa ku dagaalami doona suuqa kala iibsiga, la arki doonee cida ku guul hesha xifaaltankaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>