Manchester United ayaa ku warantay iney xiiseyneyso saxiixa kubad sameeyaha kooxda SS Lazio ee dalka talyaaniga Felipe Anderson.
Liverpool ayaa xidigaan heerka caalami si ba’an loola xiriirinayay, waana 21-jir sanadkii 2013 kaga soo biiray naadiga reer Brazil ee Santos.
Si kastaba Telegraph ayaa cadeysay in kooxda United ay tahay kooxda ugu cad-cad isla markaana ay u dirtay wakiilo soo daawada kulan ay todobaadkaan kooxdiisa Lazio la ciyaartay naadiga Hellas Verona, xili xidigaan uu gool u dhaliyay kooxdiisa.
Si kastaba kooxda SS Lazio ayaa qiimo sare xidigeeda ku dooneysa hadiiba ay iibineyso waxeyna ku rabtaa 30 Malyan Oo Pound.
Ugu dambeyntii Felipe Anderson ayaan wali kasoo muuqan xulka Brazil ee waaweyn, balse wuxuu ku jiraa xulka Brazil ee da’dooda ka hooseyso 21-jirada.