Da’yarka kooxda PSV Eindhoven Memphis Depay ayaa u sheegay kooxda Manchester United inuu doonayo soo cagadhigashada garoonka Old Trafford.
Depay oo lagu qiimeeyo 31 Malyan Oo Euro isla markaana ka mid ah xidigaha ugu qatarsan da’yarta mustaqbalka ku leh kubada cagta sidoo kale waxaa ku raad jooga kooxaha Tottenham Hotspur iyo Liverpool.
United ayaa kalsooni buuxda ku qabta in Depay uu kusoo biiri doono, iyadoo Goal.com ay heshay ilo muhiim ah oo sugaya in wada xaajood ay kula jirto xidiga iyo kooxdiisa PSV.
Dhanka kale Depay wuxuu xiriir wacan la leeyahay macalin Louis Van Gaal madama uu ahaa macalinkii xulka Holland kusoo daray koobkii Aduunka markii ugu horeysay noloshiisa.
Memphis Depay wuxuu dhaliyay 22-gool, 33-kulan oo uu u saftay kooxdiisa dhamaan tartamada oo dhan taasoo kordhisay xiisaha ay United u qabto.
Ugu dambeyntii Louis Van Gaal ayaa dareensan sidoo kalana kalsooni ku qaba in Memphis Depay uu noqon karo Cristiano Ronald-ha cusub ee dunida.