Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Markaan Madaxa Edinson Cavani Duldhigtay Lacag Aysan Diidi Karin PSG

Manchester United Oo Markaan Madaxa Edinson Cavani Duldhigtay Lacag Aysan Diidi Karin PSG


Cavani

Kooxda Manchester United ayaa markaan damacsan iney lasoo saxiixato Edinson Cavani madama ay dhibaato dhanka weerarka ah heysato.

United ayaa si amaah ah ku heshay Radamel Falcao hal xili ciyaareed, balse Shabeelka reer Colombia waqti adag ayuu ku qadanayaa haatan Old Trafford madama uu waayay kalsooni Louis Van Gaal sidoo kalana kulamadii uu ciyaaray bandhig fiican ma sameyn.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in United ay diyaar u tahay iibinta Robin Van Persie oo isna lumiyay qaabkiisii fiicnaa iyadoo ay intaas ugu darsameen dhaawacyo hareeyay mustaqbalkiisa.

Si kastaba kooxda uu hogaamiyo Van Gaal ayaa duldhigtay madaxa Edinson Cavani aduun lacageed oo gaaraya 60 Malyan Oo Pound waana qadar ka badan lacagahii uu Angel Di Maria ku yimid Old Trafford bishii July ee sanadii hore.

Xiriirka u dhaxeeya Cavani iyo Blanc ayaa sii xumaanaya maalinba maalinta ka dambeysay iyadoo xidigaan reer Uruguay uu haatan diyaar u yahay inuu cagaha ka qaado PARIS.

Ugu dambeyntiina sida la filayo Cavani ayaa soo caga dhigan doona EPL-ka, inakstoo ay sidoo kale tartan ugu jiraan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>