Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Qarka U Saaran Iney 25 Malyan Oo Pound Kula Wareegto Memphis Depay

Manchester United Oo Qarka U Saaran Iney 25 Malyan Oo Pound Kula Wareegto Memphis Depay


Depay

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska Memphis Depay ayaa u muuqda mid 25 Malyan Oo Pound ugu biiraya kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford.

21-jirkaan reer Holland ee haatan ka tirsan kooxda PSV Eindhoven waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda Man United, balse sidoo kale Liverpool ayaa dhinac ka dooneysa, sidoo kalana macalinka kooxda PSV Phillip Cocu ayaa ka dhawaajiyay in xidigaan uu bixi doono.

Dhanka kale saxaafada Ingiriiska ayaa daliil ka dhiganeysa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Louis Van Gaal iyo Memphis Depay madama macalinka United ee haatan uu ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee xulka uga wacay tartanka caalami ah madama uu Koobkii Aduunka u waday.

Si kastaba Memphis Depay ayaa haatan kooxdiisa kula guuleysan raba koobka horyaalka Holland waxeyna kaliya kaga xiran tahay iney hal guul gaarto.

Ugu dambeyntii Depay oo 2011 kasoo muuqday PSV ayaa diyaar u ah inuu hormariyo xirfadiisa isla markaana uu ka hoos ciyaaro LVG.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>