Manchester United ayaa lasoo saxiixan karta kubad sameeyaha xulka Holland Wesley Sneijeder marka la gaaro bisha January iyadoo si xor ah ku heli karta madama kooxdiisa Galatasaray ay bixin weysay mushaaraadka xidigaan.
Wesley Sneijder ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay bartilmaameed u ahaa kooxda Man United, balse uma suuragalin iney xidigaan keento garoonka Old Trafford.
Si Kastaba, Louis Van Gaal ayaa doonaya haatan inuu gacanta kusoo dhigo xidigaan sanadka cusub, kadib markii Sneijder nafsad ahaantiisa uu cadeeyay in kooxdiisa aysan wax mushaar ah siinin sadexdii bilood ee lasoo dhaafay, taasoo burineysa heshiiska uu kooxda kula jiro.
30-jirkaan ayaa markaan diyaar u ah inuu isaga huleelo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, United ayaana diyaar u ah iney xidigaan hesho laba sano kadib.