Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo U Adeegsan Doonto Di Maria Soo Xero Galinta Edinson Cavani

Manchester United Oo U Adeegsan Doonto Di Maria Soo Xero Galinta Edinson Cavani


Angel Di Maria

Kooxda Man United ayaa dhigeeda PSG la furi doonto wada hadalo marka uu xili cayaareedkan dhamaado waxayna ka dooneysaa in Edinson Cavani laga iibiyo.

Sidoo kale Daily Mail ayaa qoray in United ay diyaar u tahay dhigeeda Paris inay ku wareejiso Angel Di Maria si ay kaga hesho Edinson Cavani.

Macalin Luis Van Gaal ayaa xiiseeyo kubada uu cayaaro weeraryahanka reer Uruguay sidoo kalena United dhamaadka xili cayaareedkan waxay iska fasixi doontaa Radamel Falcao.

Madaama Angel Di Maria uusan ku qanacsaneyn doorkiisa garoonka Old Trafford sidoo kalena cadaadis xoogan uu haatan kala kulmaayo diyaar ayu u yahay inuu kooxda Paris u dhaqaaqo madaama ay naadiga reer France xidigan sanado badan baadi goob ugu jirtay markii uu Real Madrid ku sugnaa.

Waxaa la filaa in dhamaadka xili cayaareedkan ay maamulka labadan koox wada hadalo qaataan sidoo kalena labadan xidig qiimo ahaan wey iska ag dhaw yihiin waxaana macquul ah in la isku badasho.

Balse wakiilada labadan xidig ayaa caqabad laga kulmi doonaan madaama ay xiiseenayaan in labadan xidig lacag ahaan la kala iibsado balse aanan la is dhaafsani waayo waxaa dan ugu jirtaa in lacago lagu kala gato si ay meesha lacag faa’iido ah uga helaan wakiilada labadan xidig.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>