Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo U Dhaqaaqda Soo Xerogalinta Weeraryahanka Atletico Madrid Mario Mandzukic

Manchester United Oo U Dhaqaaqda Soo Xerogalinta Weeraryahanka Atletico Madrid Mario Mandzukic


Mandzukic

Manchester United ayaa doorbideysa saxiixa Mario Mandzukic kaas oo la hadal hayo inuu isaga hayaami doono kooxda Atletico Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Dagaalyahankaan reer Croatia ayaan wali amaan ka helin macalinkiisa Diego Simeone, wuxuuna ku jiraa liiska xidigaha isaga dhaqaaqaya kooxahooda ayaagoo waliba xili fiican la dhameestay.

Mandzukic wuxuu bartilmaameed u ahaa Manchester United xagaagiii 2013/2014, markaasna waxaa kooxda hogaankeeda hayay David Moyes, balse haatan waxaa United ay dib usoo celisay xiisahii ay xidigaan u qabtay.

29-jirkaan heerka caalami ayaa xagaagii dhamaaday bilowgiisii Bayern Munich kasoo hayaamay isagoo yimid Vincent Calderon wuxuuna dhaliyay 20-gool, balse tan iyo bishii February ee sanadkaan hoos u dhac ayuu sameeyay taas ayaana keentay in lagu xagliyo inuu kooxda isaga tagayo.

Dhanka kale Manchester United xiisaha xidigaan waxaa ku wehliya kooxaha Arsenal iyo Manchester City, balse ilaa hadda ma cada kooxda uu xidigaan ku biiri doono.

Ugu dambeyntii Manchester United ayaa dooneysa iney galiso booskii uu baneeyay Radamel Falcao oo ku fashilmay inuu la qabsado kooxda mudo hal sano ah oo uu joogay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>