Kooxda Man United ayaa wada xaajood rasmi ah la furtay 22-jirka garabka bidix ee daafaca kaga cayaaro naadiga Monaco Layvin Kurzawa waxayna United dooneysaa daafacan dhalinta yar ina bisha Janaayo lasoo saxiixato.
Layvin Kurzawa ayaa sameeyay hormar aan caadi ahayn 12-bilood ee ugu dambeesay haatana wuxuu ka mid yahay daafacyada dhalinta yar ee ugu wanaagsan Ligue 1 dalka France wuxuuna xidigan diyaar u yahay inuu dalabka Man United ka faa’iideesto.
Man United ayaa diyaar u ah inay bixiso £12m oo ay kooxda Monaco xidigan dul dhigtay waayo United ayaa dooneyso inay saxiixa Kurzawa kaga guuleesatay kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo iyagana xidigan isha ku hayaan.
Layvin Kurzawa ayaa dhawaan saxaafada dalka France gaar ahaan majalada Football France wuxuu u sheegay in lasoo gaaray xiligii uu naadiga Monaco isaga tagi lahaa wuxuuna si gaar ah u xiiseenaa inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasoo wato Premiership-ka England oo ah horyaalka aduunka ugu wanaagsan