Kooxda Manchester United ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la fureysa goolhayaha reer Spain David De Gea kaas oo la hadal hayay inuu soo idleyn doono mustaqbalkiisa kooxda Old Trafford ku ciyaarta.
24-jirkaan heerka caalami ayaa United kusoo biiray sanadii 2011, haatana waa mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda,
Jorge Mendes oo ah wakiilka xidigaan ayaa inkiray wararka xidigaan la xiriirinaya inuu isaga tagi doono kooxda uu maamulo Louis Van Gaal.
“Waxaan wadahadal heshiis kordhin ku aadan David De Gea kula jiraa Man United” Ayuu Mendes u sheegay Cadena Ser.
“Ma ahan war run ah in De Gea uu heshiis la gaaray Real Madrid, waxaan wadahadal heshiis kordhin ah kula jiraa United”
Dhanka kale isbuucii lasoo dhaafay Jorge Mendes ayaa qiray in xidigaan uu ku faraxsan yahay nolosha Old Trafford.
“Heshiiskiisa waxaa kaga haray hal sanadood, waxeyna ila tahay inuu sii joogo doono Manchester United” Ayuu Mendes u sheegay BBC.
“Ciyaariyahanka ayaa go’aansanaya mustaqbalkiisa, balse haatan wuu ku faraxsan yahay halkaan”
Ugu dambeyntii David De Gea ayaa noqday indhaha kooxda United xili ciyaareedkaan madama uu sameeyay badbaadiyaha ugu fiican xiligaan.