Manchester United ayaa wali qiimeyn ku wada daafaca reer Argentina ee kooxda Valencia Nicolas Otamendi xili wakiiladii ay xidigaan u dirtay ay daawadeen habeenimadii jimcaha sida ay qortay jariirada Spain kasoo baxda ee Superdeporte.
Otamendi ayaa waqti qurux badan ku qaadanaya Mastella Stadium wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan kooxdaan xili ciyaareedkaan.
United ayaa la aaminsan yahay in 27-jirkaan ay u dhaqaaqday saxiixiixa waqtigii uu ku sugnaa Porto, balse lacagaha xidigaan ay qaali u arkeen balse Van Gaal ayaa xidigaan doonay bishii January ee sanadkaan walow uu ku hungoobay.
Si kastaba Superdeporte ayaa qireysa in Manchester United ay wado qiimeyntii ugu dambeysay arinta xidigaan madama ay dooneyso iney adkeyso daafaceeda.