Manchester United ayaa baacsaneysa daafaca kooxda Stoke City ahna kabtanka kooxda Ryan Showcross kaas oo ay u arkaan inuu xal u noqon karo dhibaatada kooxda daafaca ka heysata.
27-jirkaan heerka caalami ayaa waayahiisa ciyaaraha ka bilaabay Man United, balse Stoke ayuu u guuray isagoo haatan noqday mid ka mid ah xidigaha dhanka daafaca ugu fiican horyaalka.
Si Kastaba United ayaa baahi daran u qabta daafac dhexe iyadoo sidoo kale ku raad joogta daafaca Aston Villa Ron Vlaar kaas oo isna qandaraaskiisa uu dhamaan rabo.
Daily Star ayaa ku warantay in Mancehster United ay markaan indha ku heyso daafacaan reer England ee hogaamiya Stoke City, waxeyna u dhaqaaqi doontaa saxiixiisa bisha January.