Home » Horyaalada » La Liga Spain » Mandzukic Oo La Xaqiijiyay Inuu Cayaari Karo Kulanka Madrid Derby Ee Habeen Dambe Lagu Balansan Yahay

Mandzukic Oo La Xaqiijiyay Inuu Cayaari Karo Kulanka Madrid Derby Ee Habeen Dambe Lagu Balansan Yahay


Mandzukic

Weeraryahanka reer Croatia Mario Mandzukic ayaa ku guuleestay tijaabadi caafimaad ee laga qaaday haatana waxaa la xaqiijiyay inuu safan karo kulanka Madrid Derby oo ay habeen dambe ku wada balansan yihiin Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Weeraryahankan awooda badan ayaa doonayo in kooxdiisa uu ka caawiyo sidii ay Real Madrid kaga badin lahaayeen lugta kowaad ee wareega 8-aad koobka horyaalada Yurub.

Mario Mandzukic labadii kulan ee ugu dambeeyay kooxdiisa Atletico Madrid uma cayaarin madaama dhaawac dhanka qoobka ah uu la daala dhacayay balse haatan caafimaadkiisa taam ayuu u yahay inuu Madrid Derby kasoo muuqdo.

28-jirkan ayaa sameeyay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisa sidoo kalena waxaa laga qaaday tijaabo gaar ah si loo xaqiijiyo in qoobkiisa uu ka baxsan karo loolanka culus ee uu kala kulmi karo daafacyada Real Madrid sida Ramos iyo Pepe.

Mario Mandzukic ayaa muhiim u ah Atletico Madrid madaama uu xili cayaareedkan u dhaliyay 20-gool asigo u saftay 37-kulan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>