Home » Horyaalada » Bundesliga » Manuel Neuer Iyo Boateng Oo Taam U Ah Inay Bayern U Saftaan Kulanka Hoffenheim

Manuel Neuer Iyo Boateng Oo Taam U Ah Inay Bayern U Saftaan Kulanka Hoffenheim


manuel-neuer-jerome-boateng-RP0bx6WC4f4

Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah u sheegtay in labadeeda xidig ee muhiimka u ah Manuel Neuer iyo Jérôme Boateng ay caafimaad qabaan sidoo kalena ka qayb qaadan karaan kulanka ay galabta kooxdan ku qaabili doonto Allianz Arena naadiga Hoffenheim.

Labadan xidig dhaawa awgiis kama aysan qeyb qaadanin kulankii Jarmalka 1-0 kaga badiyeen xulka Spain cayaartii saaxiibtinimo madaama ay awoodi waayeen safashada kulankan.

Waxaana laga cabsi qabay inay ku biiraan liiska tirada badan ee haatan Bayern dhaawaca kaga maqan balse nasiib wanaag tababarkii ugu dambeeyay ay soo xaadireen wuxuuna tababare Pep Guardiola sheegay inay kulanka Bundesligaha galabta cayaari karaan.

Thomas Müller isagana rajo wanaagsan ayaa laga qabaa inuu galabta Bayern u safto inkastoo jug dhabakra kasoo gaartay kulankii Jarmalka ay la cayaaree xulka Spain.

Bayern waxaa dhibaateeyay dhaawac kala duwan haatana macalin Pep kaliya 20-cayaaryahan ayaa kooxdiisa u caafimaad qabaan waxaana kusoo fool leh kulamo badan oo isbadal joogo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>