Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa digniin u diray kooxda Blues ee hogaanka u heysa horyaalka EPL-ka isla markaana u sheegay inuusan wali dhamaan tartanka horyaalka.
City haatan waxey sadex dhibcood ka hooseysaa kooxda Blues iyadoo kaliya 16-kulan la ciyaaray xili ciyaareedkaan, waxaana jirta in shaqsiyaadka kubada cagta Ingiriiska ka hadla ay horyaalka siiyeen kooxda Blues.
Si Kastaba Pellegrini ayaa aaminsan in wiilashiisa ay u dagaalami doonaan horyaalka ilaa dhamaadkiisa sidii ay faleen xili ciyaareedkii hore markaas oo Arsenal iyo Liverpool ay ka dhigteen hogaanka horyaalka.
“Sida aan filayo Arsenal xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxey heysatay dhibcaha ay haatan Blues heysato, sidaas darteed waan arki doonaa waxa dhaca qeybta dambe ee horyaalka iyo inta dhibic ee aad u baahan tahay si aad u guuleysato”
“Ma garan karno, Arsenal qeybtii labaad waxba ma sameynin, mana ogaan karno waxa ay Chelsea sameyn karto sanadkaan, waxaana filaya inaan isku day fiican sameyn doono isla markaana aan ka fakari doono kooxdeena”
“Waxaan aaminsanahay inaan soo qaban karno dhibcahaas, sababtoo ah waxaan ciyaareynaa kulamo badan, horyaalkana ma dhamaado December, laga yaabee in laguu arko kooxda ugu wanaagsan ee ku guuleysan karta, balse ma garan kartid waxa dhici doona horyaalka qeybtiida labaad”
Ugu dambeyntii Manchester City ayaa la dhibco ekaan doonta Blues maanta hadii ay guul ka gaaraan Crystal Palace kulan ka dhici doona Etihad Stadium.