Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu isaga dhaqaajiyo kooxda Borrusia Dortmund kadib 7-sano oo uu ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park madama kooxdan ay dhibaato ku dhexjirto xili ciyaareekaan.
Klopp wuxuu talada kooxdaan qabtay sanadii 2008, iyadoo la xauusto inuu sanadihii 2011 iyo 2012 u hogaamiyay ku guuleysiga Bundesliga iyo sidoo kale inuu yimid finalka koobka horyaalada yurub sanadii 2013.
Shir jaraa’id oo maanta lagu balansan yahay ayey Dortmund ku shaacin doontaa in la burburiyay heshiiska Klopp kaas oo ku eg 2018 isla markaana uu macalinnkaan ka huleeli doono kooxda marka uu dhamaado xagaagan.
Warsidaha The Bild ayaa ku waramay in Dortmund ay badalka Klopp keeni doonto macalinkii hore kooxda Mainz ninka lagu magacaabo Thomas Tuchel kaas oo 41-jir ah.
Sida la fahamsan yahay Klopp ayaa doonaya inuu tijaabiyo nolosha meel ka baxsan Bundesliga waxaana loo maleynaya inuu aadi doono horyaalka EPL-ka.
Sadex kooxood ayaa lala xiriiriyay macalinkaan ka hor bilowgii xili ciyaareedkaan waana kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City kuwaas oo doonaya iney iska badalaan macalimiintooda.
Sida ay qabeen Jamaahiirta Arsenal wixii ka horeeyay bishii February ee sanadkaan ayaa muujineysa in Arsenal ay u baahan tahay badalka Wenger madama ay in badan tilmaameen in la joogo waqtigii uu Wenger ka tagi lahaa kooxda Arsenal.
Hadana macalinka reer France ayaa haatan waqti fiican ku jira wuxuuna kooxdiisa kor uga soo qaaday kaalinta 7-aad ee horyaalka isagoo haatan marsiinaya booska labaad, bandhiga fiican ee kooxda ay muujisay kulamadii ugu dambeeyay wuxuu jamaahiirta kooxda ilowsiin karaa in loo baahan yahay badalka Wenger.
Si kastaba ha ahaatee macalinkaan ku sugan Arsenal 19-ka sano ayaan kooxda wax koob ah u qaadin tan iyo sanadii 2005, inkastoo ay jirto in xagaagii hore uu FA Cup u qaaday kulan ay 3-2 ku dhaafeen Hull City.
Rajada ah in Jurgen Klopp uu yimaado Arsenal ma ahan mid sidaa usii buuran, inkastoo laga yaabo in Wenger uu qaato go’aankii uu Sir Alex kaga tagay Man United laba sano ka hor.
Shaqada Manuel Pellegrini ee Manchester City ayaa u muuqata mid sii baaba’eysa waxaana jira warar badan oo xan ah kuwaas oo sheegaya in macalinkaan reer Chile uu boorsooyinkiisa ka xir-xiran doono Etihad marka uu dhamaado xagaagan madama uusan waxqabad fiican la imaan.
Dhibaatooyin isbiirsaday ayaa kooxda ku dhacay kulamadii ugu dambeeyay taasoo dhaxalsiisay iney lumiso tartankii horyaalka isla markaan ayba gasho booska faraad iyadoo iney difaacato booskaas ay haatan dagaal u gali doonto.
Manchester City horay ayaa loola xiriiriyay Jurgen Klopp waana macquul inuu noqdo badalka Pellegrini oo si fiican u gudan waayay shaqadiisa xagaagan inkastoo xagaagii hore uu EPL-ka u qaaday.
Liverpool kuma jirto waqti fiican walow maamulka kooxda iyo Jamaahiirtaba ay ku qanacsan yahiin hab maamulka macalinkii hore Swansea City Branden Rodgers, waxeyna haatan u dagaalami karaan kaalinta afaraad.
Rodgers ayaa tageero weyn u ah Liverpool, waxeyna wararkaan soo ifbaxeen markii ay kooxdiisa Anfield Road soo booqatay ka hor bilowgii xagaagan, arintaasna waxey ka dhigan tahay in macalinkaan uu imaan karo Anfield hadii ay kooxda u baahato iney iska badasho Rodgers.
Macalinkaan 47-jirka ah ayaa ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan qaarada yurub xiligaan, inkastoo xagaagan ay kooxdiisa kaalinta 10-aad kaga jirto Bundesliga sidoo kalana ay 37-dhibcood ka hooseyso Bayern.
La Arki Doonee halka uu ku dambeeyo Jurgen Klopp, xiiso gaar ah ayeyna ahaan laheyd hadii uu imaan lahaa horyaalka Ingiriiska.