Home » Maxaa Cusub » Maqaal: Maxaa Ka Qaldan Aaron Ramsey Waxaad Moodaa In Waayihiisii Quruxda Badnaa La Iska Iloobi Rabo!

Maqaal: Maxaa Ka Qaldan Aaron Ramsey Waxaad Moodaa In Waayihiisii Quruxda Badnaa La Iska Iloobi Rabo!


Ramsey

Kulankii ugu dambeeyay ee Arsenal guuldaro kala kulantay kooxda Man United waxaa la badalay Aaron Ramsey daqiiqadii 77-aad waxaana lagu badalay Olivier Giroud.

Balse waa arin lala yaabo waayo badanaa Arsenal oo gool lagu leeyahay Ramsey marnaba lama badali jirin laakiin kulankii Emirates ka dhacay xidigan wuxuu Wenger u arkay inuusan heerkii shalay taagneyn.

Ramsey kulankii Arsenal la cayaartay Man United qaladaad badan ayuu galay weliba dhawaanahan kubad sameeyahan wuxuu yeeshay dabci ah inuusan basin kubadaha goolasha loo filan karo.

Halkee Ka Baxeyn Goolashii Ramsey Looga Bartay?

Bilawgii xili cayaareedkan Ramsey waji wanaagsan ayuu ku bilaabay wuxuu gool ka dhaliyay Man City koobka Comminty Shield sidoo kalena goolal muhiim ah ayuu Arsenal u dhaliyay kulamadii ay la cayaartay Crystal Palace iyo Everton.

Laakii wax walbo si mugdi ah ayay dhanka Ramsey isku badaleen waayo tan iyo August 23 wax gool ah ma uusan u dhalinin kooxdiisa Arsenal!

Sidoo cilada heesato laacibka reer Wales ayaa ah inuu hoos u dhac xoogan ku yimid laadadkii tirada badnaa ee uu ridi jiray.

Xili cayaareedkii hore Ramsey 71% laadadka uu riday goosha ayuu la beegsan jiray balse la yaab xili cayaareedkan kaliya 35% laadka ayuu riday ayuu goosha la beegsaday!

Daafac Caawinta Xidigan Oo Hoos U Dhacday:

Ramsey waa xidig dadaal badan sidoo kalena marwalbo caawiyo daafaca kooxdiisa waxaa la xasuustaa inuu xili cayaareedkii hore ahaa xidig labada dhinac ee garoonka u dhaxeeyo balse sanadkan dadaalkiisa lama arko.

Waxaa xusid mudan in xidigan xili cayaareedkii hore 52% kubadaha uu ku dagaalamo uu isaga lugta ku dhigi jiray balse xili cayaareedkan 42% awoodiisa dhanka kubad dagaalista ayay ku ekaatay.

Sidaa darteed xidigan labadii shaqo ee uu ku caan baxay kuna yeeshay maqaamka sare haatan gacanta kuma haayo.

Muxuu U Baahan Yahay Ramsey Si Uu Heerkiisii Wanaagsanaa Ugu Soo Laabto?

Aaron Ramsey ma ahan Cristiano Ronaldo ama Lionel Messi balse xidig hormar wanaagsan sameenayo inta badan goolasha uu xili cayaareedkii hore dhaliyay waxaa ka caawiyeen labo xidig oo xili cayaareedkan Arsenal qaybtiisa badan dhaawac kaga maqnaayeen.

Waxayna labadaas xidig kala yihiin Mesut Ozil iyo Olivier Giroud.

Ozil kubadaha uu dhiibo waxaa inta badan ka faa’iideestay xili cayaareedkii hore Ramsey sidoo kalena xidiga reer Jarmal marka uu garoonka ku jiro Ramsey cadaadis lama saaro taasi ayaa sababtay inuu xili cayaareedkii hore goolal badan dhaliyo.

Giroud isagana inta badan fursadaha uu helo goolhayaha ayuu ku gaaraacaa waxaana kubadahaas ka faa’iideesan jiray Ramsey, sidoo kalena weeraryahanka reer France waa xidig deeqsi ah oo kubadaha isku dhiibka in badan Ramsey daafacyada uga dhex xadi jiray.

Ugu Dambeyntii, Giroud wuu soo laabtay balse Ozil weli dhaawaciisa ma dhawo marka Ramsey wuxuu ku qasban yahay inuu hurdada ka kaco lana qeebsado kubada Alexis Sanchez iyo Dannu Welbeck sidoo kalena waa inuu Ramsey qaab difaaciisa wanaajiyaa.

One Response to Maqaal: Maxaa Ka Qaldan Aaron Ramsey Waxaad Moodaa In Waayihiisii Quruxda Badnaa La Iska Iloobi Rabo!

  1. abu ozil Reply

    November 25, 2014 at 1:53 am

    remsey waa uu nosolawanaa insha allah
    viiiiiva ramsey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>