Home » Horyaalada » Bundesliga » Maqaal Xiiso Badan: Bundesligaha Jarmalka Oo ka Sare Mari Rabo Premier League England

Maqaal Xiiso Badan: Bundesligaha Jarmalka Oo ka Sare Mari Rabo Premier League England


Premier League England

5-sano mar ayay xiriirka kubada cagta Yurub qiimeyn ku sameeyaan kala horeynta dalalka tartamada Yurub ka qayb qaataan, sidaa darteed xili cayaareedkan marka uu dhamaado isbadal ayaa ku imaan doono kala sareynta dalalka Yurub.

Bundesligaha Jarmalka wuxuu sameeyay sare u kac weyn madaama horyaalkan uu haatan qarka u saaran yahay in loo aqoonsado horyaalka labaad ee ugu wanaagsan Yurub, Horyaalka England ayaa kaalinta labaad kaga jiro qiimeynta sida ay dalalka ugu kala wanaagsan yihiin tartamada Yurub.

Masuulka ugu sareeyo kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku booriyay kooxaha sanadkan u matalayaan dalka Jarmalka tartamada Yurub Champion-ka iyo Europa League inay guulo badan gaaraan si ay dhibco badan u aruursadaan.

Hadii horyaalka Jarmalka kooxaha matalaayo ay xili cayaareedkan ay ka dhibo bataan kooxaha matalaayo Premiership-ka England, wuxuu Bundesligaha gali doonaa kaalinta 2-aad qiimeynta UEFA.

La Ligaha Spain ayaa kaalinta 1-aad ku jiro dhanka qiimeynta dhibcaha ay keensadaan dalalka Yurub, haatana kaalinta 2-aa waxaa isku heestaan Premiership-ka iyo Bundesligaha, marka uu xili cayaareedkan dhamaado 5-sano ayaa u dhamaan doonto waana markii isbadal lagu sameyn lahaa kala sareynta dalalka Yurub.

Horyaalka Jarmalka meel foog ayuu ka yimid waayo 5-sano ka hor kaalinta 4-aad ayay ku jireen waxay kala baxeen Serie A-da oo 3-aad ahaan jireen haatana Bundesligaha wuxuu u socdaa inuu kaainta 2-aad kala baxo Premier League.

Hadaba faa’idada ku jirto kala sareyntan ayaa ah in 3-dal ee Yurub ugu dhibaca badan inay helayaan 4-naadi oo koobka horyaalada Yurub u matasho halka dalka 4-aad ku jiro uu kaliya helaayo 3-naadi oo Champion-ka u matalo.

Sidaa darteed xili cayaareedkan dagaal culus ayaa dhex mari doono Premiership-ka iyo Bundesligaha, la arki doonee hadii horyaalka Jarmalka kooxihiisa ay xil cayaareedkan ka dhibco badiyaan kooxaha matalaayo horyaalka England!

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>