Inta badan dadka kubada cagta falanqeeyaan macalin Arsene Wenger waxay ku dhaliilaan inuu yahay shaqsi gacan adag oo kooxdiisa dhaafsiiyo saxiixyo tayo wanaagsan.
Balse Daily Mail ayaa haatan daafaca ka qaaday go’aano badan ee uu Wenger ku sax saxanaa waayo macalinan ayaa iska diiday sanadiihii ugu dambeeyay inuu xidigo haatan kooxahooda Flop ku ah inuu la saxiixdo.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in laacibiin badan ay Arsenal fursad u heesatay saxiixooda balse uu Wenge ka cabsaday inay kooxdiisa ku fashilmaan.
Haatan hadalkii Wenger ayaa run noqday waayo saxiixyadii uu iska diiday badankooda Flop ayay noqdeen waxaana ka mid ah:
Roberto Soldado waxay Tottenham £26m kaga soo iibsatay Valencia waxaana la yaab ah in labo sano ee uu EPL ku sugan yahay inuu 7-gool kaliya ka dhaliyay horyaalkan.
Dejan Lovren daafacan Liverpool ayaa £20m kaga soo iibsatay Southampton balse Flopn wey ayuu noqday.
Wilfried Zaha isagana Man United ayaa lacago badan kaga soo iibsatay Crystal Palace balse wuu fashilmay.
Stevan Jovetic isagana Man City ayaa lacago fara badan Fiorentina kaga soo iibsatay ilaa haatana kooxdiisa wax buuran uma qabanin.
Simon Mignolet goolhayahan isaga Liverpool ayaa Sunderland kasoo qaadatay balse xaalkiisa ma fadhiyo marna wuu fiican yahay marna ma fiicno.
Geeska kale warbixintan waxaa lagu sheegay xidigo wanaagsan ee uu Wenger iska diiday saxiixyadooda labadii sano ee ugu dambeesay waxaana ka mid ah: Marouane Fellaini, Willian iyo Victor Wanyama.