Sida ay qortay jariiradda Marca ee spain kasoo baxda kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ayaa diyaar u ah iney bixiyaan lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa xidiga reer France ee weerarka kaga ciyaara koxda Atletico Madrid Antoine Griezmann.
Antoine Griezmann ayaa xili ciyaareed qurux badan ku qaatay Vincent Calderon iyadoo ay aheyd markii ugu horeysay oo uu kooxdaan yimaado wuxuuna dhaliyay 25-gool, dhamaan tartamada oo dhan isagoo saftay 53-kulan.
Qaab ciyaareedkiisii quruxda badnaa ee xagaagan waxey sababtay in kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ay ku dagaalaan saxiixiisa.
Athletic Madrid ma dooneyso iney xidigeeda muhiimka ah iska iibiso, balse waxaa heshiiskiisa lagu jabin karaa xidigaan 47 Malyan Oo Pound oo u dhiganta 65 Malyan Oo Euro.
Sida ay qoreyso Marca labadaan kooxood ee ay kala hogaamiyaan Mourinho iyo Pep Guardiola waxey diyaar u yahiin iney lacagahaas miiska saraan.
Ugu dambeyntii Antoine Griezmann ayaan ka hadlin mustaqbalkiisa kooxda inkastoo xidigaan uu noqday wiilka ugu muhimsan Atletic.