Home » Maxaa Cusub » MARCA: Carlo Ancelotti Oo Laba Jeer Iska Diiday Dalab Kaga Yimid Kooxda Manchester United

MARCA: Carlo Ancelotti Oo Laba Jeer Iska Diiday Dalab Kaga Yimid Kooxda Manchester United


ancelotti-(Read-Only)

Sida ay ku warameyso jariiradda Marca ee Spain kasoo baxdatababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa laba jeer dalab ka diiday kooxda Manchester United.

Macalinkaan reer Talyaani ee guulaha la gaaray kooxaha Milan, PSG, Chelsea iyo Real Madrid ayaa u muuqday mid ay Manchester United la dooneyso inuu u badalo Sir Alex Ferguson oo 2013 iska casilay xilka kooxda.

Marca waxey warbixinteeda ku dartay in xiligaas Manchester United ay laba dalab soo gaarsiiyeen macalinkaan balse wuu ku gacan seyray inkastoo United ay David Moyes u magacaabeen jagadaas.

David Moyes ayaa sanad wax kayar hayay xilka kooxda United, waase laga raacdeeyay shaqada kooxda markii uu waqti xun u hogaamiyay, Louis Van Gaal ayaana la magacaabay bishii June kaas oo xilka la wareegay July.

Dhanka kale Marca waxey ku warantay in Ferguson uu laba jeer Paris kula kulmay Ancelotti isla markaana uu ku qalqaaliyay inuu xilka United kala wareego inkastoo Ancelotti uu ka doorbiday inuu qabto Real Madrid.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>