Home » Horyaalada » La Liga Spain » MARCA: Jamaahiirta Real Madrid Oo Ugu Codeeyay Gareth Bale Inuu Badalo Marcelo Kulanka Atletico Madrid

MARCA: Jamaahiirta Real Madrid Oo Ugu Codeeyay Gareth Bale Inuu Badalo Marcelo Kulanka Atletico Madrid


Bale

Wali yuuska Jamaahiirta Real Madrid ay ku hayaan Gareth Bale ma dhamaan iyagoo markaan ugu codeeyay inuu daafaca bidix ka badalo Marcelo oo ganaax ku seegi doona kulanka lugta labaad koobka horyaalada yurub ee ay Real Bernabue kusoo dhaweyn doonto Atletico Madrid.

Marca ayaa sameysay codeyn ah cida ku haboon iney Marcelo ka badasho booska bidix ee daafaca, Jamaahiirta Madrid ayaana 50.1% ugu codeeyay Gareth Bale inuu booskaas buuxiyo.

Fabio Conteroa ayaa noqday xidiga labaad kaas oo helay codad gaaraya 37.4%, Ancelotti ayaase ah qofka go’aansan doona xidiga ciyaari doona daafaca bidix kulanka lugta labaad.

Nacho ayaa helay 6.5%, halka Arbeloa uu isna helay 6%.

Ugu dambeyntiina Gareth Bale ayey ugu dambeysay inuu ciyaaro daafaca bidix 2011 markaas oo uu ka tirsanaa kooxda Tottenham Hotspur, lamana oga hadii Ancelotti uu gadaal u celin doona xidiga reer Wales.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>