Home » Horyaalada » Bundesliga » Marco Reus Oo Dhaawac Cusub Soo Gaaray Una Badan Tahay Inuu Seego Kulanka Arsenal

Marco Reus Oo Dhaawac Cusub Soo Gaaray Una Badan Tahay Inuu Seego Kulanka Arsenal


Marco Reus

Kooxda Dortmund niyad jab dheeraad ah ayay la kulantay madaama xidigeeda Marco Reus uu markale dhaawac halis ah dhanka qoobka kasoo gaaray waxaana laga cabsi qabaa xidigan inuu markale garoomada mudo dheer ka maqnaado.

Reus dhaawacan dhanka qoobka ah wuxuu soo gaaray kulankii kooxdiisa Dortmund 2-2 la dhaafi weesay naadiga Paderborn Bundesligaha Jarmalka waxaana Reus qoobka kaga istaagay Marvin Bakalorz.

Inkastoo Reus uu kulankan gool dhaliyay hadana si dhaqsi ah ayaa loo badalay markii uu dhaawacan soo gaaray waxaana haatan laga cabsi qabaa inuu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono.

Reus ayaa lagu wadaa inuu seego kulanka Dortmund wajihi doonto naadia Arsenal arbacada nagu soo fool leh koobka horyaalada Yurub sidoo kalena waxaa loo badinaa inta ka harsan wareega kowaad ee Bundesligaha inuu kooxdiisa ka maqnaan doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>