Marco Reus ayaa dhaawac uu soo gaaray xalayto kulan ay kooxdiisa 2-0 ku garaacday dhigeeda Dynamo Dresden kulan ka tirsan koobka Jarmalka.
Xidigaan reer Jarmal ayaa nasiib daro ay soo wajahday madama uu xili ciyaareedkaan dhaawacmayo markii sadexaad waxaana laga saaray qeybta hore ciyaarta inkastoo kooxdiisa ay guul gaartay.
25-jirkaan heerka caalami ayaa ah hogaamiyaha kooxda Dortmund isagoo dhaliyay 5-gool, shantii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kooxda kasoo muquday dhamaan tartamada oo dhan.
Dhaawacii ugu dambeeyay xidigaan wuxuu soo gaaray bishii November ee sanadii hore, markaas oo uu garoomada ka maqnaa mudo laba bilood ah.
Si kastaba Marco Reus maanta ayey go’aan kasoo saari doontaa Dortmund dhaawaciisa sidoo kalana waxey shaacin doontaa mudada uu maqnaan doono.
Ugu dambeyntii kulanka ugu muhiimsan ee Dortmund waa midka 18-ka bisha ay Signal Iduna Park kula ciyaari doonaan Juventus.