Sida aan kasoo xiganay wargeska The Bild oo ah midka ugu afka dheer dalka Jarmalka, wuxuu Marco Reus haatan doonayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Madaama laacibkan iyo kooxdiisa Dortmund ay ku heshiin waayeen inuu heshiis cusub qalinka ku duugo waxaa la filaa in 25-jirkan uu garoonka Signal Iduna Park isaga hayaamo.
Inkastoo kooxaha Bayern Munich, Man United, Man City iyo Liverpool lala xariirinaayay Reus hadana laacibkan tayada wanaagsan wuxuu si lama filaa ah uga dhawaajiyay inuu jecel yahay ka mid noqoshada garoonka Camp Nou.
Sidoo kale wargeska The Bild ayaa ka dhawaajiyay inuu xogtaan kasoo xigtay shaqsiyaad aad ugu dhow Reus oo ka warqabaan tilaabada uu weeraryahankan qaadi doono, dabcan hadalka kasoo yeeray Reus wuxuu farxad galiyay maamulka Dortmund oo ka cabsi qabaan inuu kooxda Bayern Munich ku biiro.
Madaama qandaraaskiisa lagu jebin karo 25-milyan oo euro ah waxaa hubaal ah in kooxda Barcelona ay ka faa’iideesan doonto fursadan waayo Reus wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan qaarada Yurub.