Arsenal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay la xiriireysay xidiga reer Jarmal Marco Reus, inkastoo xidigaan lagu jabin karo heshiiska uu haatan kula jiro Dortmund aduun dhan 19.75 Malyan Oo Pound.
Marco Reus kuma faraxsana nolosha garoonka Signal Iduna Park waxaana xidigaan lala xiriirinayaa sidoo kale kooxo badan oo ay ka mid yahiin: Bayern Munich, Man United iyo Barcelona.
Si Kastaba 25-jirkaan xili ciyaareedkaan mustaqbalkiisa ay la hareen dhaawacyo lasoo darsay ayaa ka dhawaajiyay inuusan dooneyn ku biiritaanka kooxaha Man United iyo Arsenal balse uu doonayo ku biiritaanka kooxda Chelsea.
Sida ay shaacisay The Sun, Marco Reus wuxuu niyad wanaagsan galiyay Jose Mourinho oo u baahan xidig garabka weerarka ka ciyaara oo aad looga cabsado si uu lamaan uga dhigo Hazard.
Dhanka kale arintaan waxey sii fududeyneysaa in Chelsea ay hesho Reus madama kooxda Dortmund ay isha ku heyso Andre Schurrle oo ka tirsan Chelsea si uu badal ugu noqdo xidigaan.