Home » Horyaalada » Bundesliga » Marco Reus Wakiilkiisa Oo Shaaca Ka Qaaday In Xidigan Uusan Dortmund Xagaagan Ka Tagi Doonin

Marco Reus Wakiilkiisa Oo Shaaca Ka Qaaday In Xidigan Uusan Dortmund Xagaagan Ka Tagi Doonin


Reus

Marco Reus wuxuu ka mid yahay xidigaha loogu doonista badan yahay qaarada Yurub sidoo kalena kooxda Liverpool, Juventus, Real Madrid iyo Arsenal ayaa dabagal ku hayaan.

Balse wakiilka xidigan xulka Jarmalka ka tirsan ayaa si rasmi ah u sheegay in laacibkan uusan kooxdiisa Dortmund xagaagan ka tagi doonin.

Wakiilka Reus oo la hadlaayay shabakada SportsTotal wuxuu yiri “Waan la soconaa wararka xanta ah ee laga qoray mustaqbalka Marco balse xidigan qorshaha ugama jirto inuu xagaagan BVB isaga tago”

“Marco wuxuu ku faraxsan yahay dalabyada ay kooxaha Yurub ugu caansan usoo direen balse wuxuu la dhacsan yahay inuu kooxdiisa wax badan ka caawiyo xili cayaareedka cusub”

Marco Reus ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu tayada wanaagsan Yurub waxayna saxaafada dalka Jarmalka afka ku heysaa in xidigan uu naadiga Real Madrid u dhaqaaqi doono todobaadyada nagu soo fool leh.

Waxayna kooxda reer Spain Reus galin doontaa booska Karim Benzema uu kusii jeedo ku biiritaanka kooxda Arsenal.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>